Madaxweyne Ruto oo ku baaqay xallinta caqabadaha ku hor gudban ganacsiga dhallinyarada

0
196

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dowladaha Afrika ku boorriyay inay la tacaalaan caqabadaha ku hor gudban ganacsiyada ay sameeyaan dhallinyarada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in dhammaan waddamada Afrika laga abuuro jawi ku habboon ganacsiga.
Ruto ayaa sheegay in fursadaha u bannaan dhallinyarada oo la ballaariyo ay suurtagelinaysa in fikradaha ay hayaan loo beddelo ganacsiyo waawayn.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladaha qaaradda Afrika laga doonayo inay xoogga saaraan sidii da’yarta ay u heli lahaayeen lacago ay ku ganacsadaan , fursado iyo talasiin dhaqaale.
Arrintan ayuu madaxweynaha dalka William Ruto ka hadlay xilli uu magaaladatani Nairobi si rasmi ah uga furay shirka isku xirka dhallinyarada qaaradda Afrika.