Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u cusbooneysiiyay heshiiska difaaca

Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u cusbooneysiiyay heshiiska difaaca

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya mudane Abraham Belay ayaa si loo dardargeliyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal waxa ay kala saxiixdeen cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU), kaasi oo hore labada dowladood u kala saxiixdeen bishii February, 2014.
Heshiiskan ayaa sii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal waxa uuna sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka. Sidoo kale waxaa uu abuurayaa dhismaha guddiyo Difaac oo wadajir ah, si ay u horumariyaan, una fududeeyaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments