Shil ka dhacay Kakamega oo uu arday ku dhintay

0
244

Waxaa lagu soo warramayaa in shil ka dhacay ismaamulka Kakamega ee Galbeedka dalka uu ku nafwaayay arday dhigta fasalka 3-aad ee dugsiga sare.
Waxaa dhacdadaasi uu dhaawac culus ka soo gaaray arday kale.
Ardayga oo dhiganayay dugsiga sare ee St. Monica Lubao ayaa waxaa jiiray gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda xilli uu baskili ku kaxeynayay xarunta ganacsi ee Okumu ee deegaanka Lurambi.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay saaxibkii oo uu baskiliga ku waday.