Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa shaacisay in dib loo furi doono dugsiyada ku yaalla ismaamulka West Pokot ee horay loo xiray ka dib markii ay saameyn ka soo gaartay falalka burcadnimo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in dugsiyadan dib loo dhisaya ka hor inta aan la furin maadaama uu burbur soo gaaray.
Xarumahan waxbarasho ayaa kala ah Chesegon Primary School, Cheptulel Primary School, Cheptulel Boys Secondary School, Sapulmoi Primary School , Kisaa ECD oo ku yaalla deegaanka Bartamaha Pokot iyo kuwo kale oo ku kala yaalla Waqooyiga iyo Galbeedka ismaamulkaasi.
Sidoo kale waxaa maanta fagaaraha machadka lagu tababaro macallimiinta ee Chesta ee deegaanka Sigor ka billaabanaya tababar la siinaya 205 ka mid noqonaya booliiska qaran ee keydka ee NPR.




