Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay xoogga saareyso xoojinta ciidamada, ka dib markii laga qaaday cunaqabataynta

0
214

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saari doonta sidii loo tayeyn lahaa ciidamada qaranka ka dib qaadista cunaqabateynta hubka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaakiya, Xuseen Macallin Maxamuud.
Waxaa uu intaasi ku daray in dalka uu haatan haysto fursad qumman oo looga adkaan karo Al-Shabaab.
War-saxaafadeed uu soo saaray la taliyaha amniga qaranka ayuu ku sheegay in dalka uu maalgashi ku samayn doono ciidamada qaranka, si looga dhigo kuwo karti u leh maareynta arrimaha amniga Soomaaliya.
“Qaadista cunaqabateynta hubka waxay awood u siinaysaa dowladda Soomaaliya inay dhisto oo ay xoojiso ciidamadeeda ammaanka, taas oo lagama maarmaan u ah ilaalinta xasiloonida iyo la dagaalanka kooxaha xagjirka ah,” ayuu yiri taliyuhu.
“Awoodda la kordhiyey kaliya kama caawin doonto ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse waxay sidoo kale gacan ka gaysan doontaa xasilloonida gobolka, ka hortagga falalka amni darro iyo rabshadaha ka dhaca xuduudaha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay
Soomaaliya waxaa saarnaa cunaqabateyn dhanka hubka ah tan iyo sanadkii 1992-kii, waxaana markii hore lagu soo rogay in ay jawaab u noqoto dagaaladii sokeeye iyo xaaladda bini’aadantinimo ee dalka oo sii xumaanaysay xilligaas.
Tani waxay ka dambeysay markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dowladddii milateriga ahayd ee Maxamad Siyaad Barre.

Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib, waxaa cirka isku sii shareeray colaadda Soomaaliya, waxaana ka dhashay rabshado baahsan iyo barakac baahsan.

Ujeedada koowaad ee cunaqabataynta hubka ayaa ahayd in la yareeyo qulqulka hubka ee Soomaaliya lagana hortago in colaadda ay sii xumaato.