63 qof oo ku dhintay daadad iyo dhul go’ saameeyay Tanzania

0
309

Ugu yaraan 63 ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay dhinteen daadadka iyo dhul go’a laga soo tabiyay Waqooyiga dalka Tanzania.
Tani ayaa timid ka dib roobab culus oo halkaasi ka da’ay.
Ra’iisul Wasaaraha Tanzania ,Kassim Majaliwa ayaa sheegay in ay dhaawacmeen 116 qof oo kale.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhul go’a ay ku burbureen kala bar guriyaha tuulo uu booqday.
Dadka ku dhintay degmada Hanang ayaa isugu jiro 23 rag iyo 40 haween ah.
Madaxweynaha dalka Tanzania ,Samia Suluhu Xassan ayaa u tacsiyadeysay qoysaska dadka ku dhintay daadadka .