DHAGEYSO:Dowladda oo shaacisay qorsho lagu hagaajinaya waddooyinka Waqooyi Bari

0
249

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa xilli uu ku sugnaa Garissa sheegay inuu jiro qorsho ballaaran oo ay dowladda dhexe ku haqabtiraysa baahida dhanka waddooyinka ee ka jirta gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa uu xusay in la rajeynaya in biyaha daadadka ay yaraadaan dhammaadka bishan Diseembar.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in daadadka ka dhashay roobabka El Nino ay saameyn wayn ka soo gaartay waddada u dhexeysa Nairobi-Mwingi ilaa Garissa.
Wasiirka ayaa xusay in hadda la hagaajiyay waddooyin badan oo ay cillad ku timid marka laga reebo dhanka Habasweyne.

Waxaa uu intaasi ku daray in qaybta waddada ee u dhexeysa Madogo ilaa Garissa si ku meel gaar ah loo sameeyay si uu gargaarka uga gudbo dadkana ay u maraan balse marka ay biyaha daadadka yaraadaan wadadaasi iyo buundada Garissa mar kale la dhisi doono.