DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo gaaray Garissa

0
170

Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa gaaray ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi Bari isagoo daahfuray qaybinta deeq raashiin ah oo loogu tala galay dadka ay fatahaadaha saameeyeen.
Bishar Axmad Dhaqane ayaa qodobkan oo faahfaahsan Garissa ka soo diray.

Senatarka ismaamulka Garissa Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa dhankiisa dowladda dhexe ka codsaday inay dib u dhisto buunddada xiriirisa Mororo iyo Garissa oo uu sheegay in tan iyo xilligii la dhisay aan dayactir lagu sameyn.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo sidoo kale tagay ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta ayaa sheegay in dowladda dhexe oo kaashanaysa saaxiibada Kenya ee dhanka horumarka ay xoojisay dadaallada looga falcelinaya saameynta ka dhalatay daadadka .
Gachagua ayaa xusay inuu sii socon doono gargaarka cunno iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah nolosha qoysaska ee la gaarsiinaya dadka ay saameeyeen daadadka.
Barnaamijyadan ayaa laga fulinaya 8 ismaamul oo ay saameynta ugu badan soo gaartay iyo si guud gobollada dalka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in isaga iyo wasiirrada wehelinaya ay maanta Garissa iyo Tana River u tageen inay halkaasi ka sameeyaan kormeer lagu qiimeynaya baaxadda burburka ka dhashay roobabka culus ee da’aya ee El Nino.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in isagoo matalaya madaxweynaha dalka William Ruto uu shacabka labada ismaamul la qaybsanaya culeyska ka soo gaaray daadadka ee isugu jiro dhimashada iyo barakaca.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladda dhexe ay ku dadaalaysa ka hor tagga in qof kenyaan ah uu gaajo u dhinto saameynta fatahaadda awgeed.

Waxaa uu sheegay in wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen lagu amray inuu xaqiijiyo in la hagaajiyo dhammaan waddooyinka iyo kaabayaasha gaadiidka ee go’ay ama burburay.
Rigathi Gachagua oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ismaamulka Tana River la gaarsiiyay gargaar cunno, daawooyin iyo maro kaneecooyin si looga hor tago xanuunka duumada.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa shaaciyay in qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul ee ku nool deegaanka Bura ee ismaamulka Tana River la siin doono lacag dhan 16 milyan oo shilin.

Waxaa uu ugu dambeyn ganacsatada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan xilligan oo roobabka culus aynan sidii hore u da’ayn oo ay ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera geeyaan shidaal iyo cuntooyin ku filan si haddii ay roobabka sii socdaan aan loo waayin badeecooyinkan muhiimka ah.

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bura ee ismaamulka Tana River Yaaquub Cadoow Kuno ayaa dhankiisa codsaday in diyaarado gargaar lagu gaarsiiyo dadka ku nool tuulooyin aan caawimaad helin muddo bil ah.