DHAGEYSO:Maamulka KeNHA oo shaaciyay inay furan tahay waddada Madogo-Garissa

0
292

Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KeNHA) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X waxaa uu dadweynaha ku wargeliyay in ugu dambeyn lala tacaalay biyihii badnaa ee gooyay aagga Kona Punda ee degmada Madogo oo ka tirsan ismaamulka Tana River.
KeNHA ayaa sheegaysa in hadda uu dib u furmay isku socodka gaadiidka ee waddada u dhexeysa Madogo iyo magaalada Garissa.
Maamulka ayaa intaasi ku daray inuu kenyaanka uu uga mahadcelinaya dulqaadkii ay muujiyeen maalmihii waddadaasi dib loo dayac tirayay.
Dhanka kale maamulkan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in saameynta ka soo gaartay daadadka awgeed in ay xiran tahay waddada u dhexeysa deegaannada Garsen-Witu ilaa Lamu.
Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay biyaha fatahaadka ku yeesheen waddadaasi.

Isku duwaha hay’adda laanqayrta cas ee dalka laanteeda gobolka Xeebta Xasan Musa ayaa dhankiisa sheegay inay culeys wajahayaan dadka u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Ilaa 54 ka mid ah tuulooyinka ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta ayaa laga dareemaya saameynta ka dhalatay daadadka.