DHAGEYSO:Dowladda oo ballan qaaday xoojinta amniga Samburu

0
216

Dowladda dhexe ee dalka ayaa ballan qaaday in la adkeyn doono amniga ismaamulka Samburu si loola tacaalo falalka burcadnimada oo lagu soo afjaro dhaca xoolaha.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa xilli uu ku sugnaa kaniisad ku taalla magaalada Baragoi sheegay in tuuladii rasaas laga maqlo shaqada laga joojinaya guddoomiye xaafadeedka ama ku xigeenkiisa halkaasi dowladda ku matalo.
Waxaa uu sheegay in dhaca xoolaha ay tahay arrin laga soo gudbay sidaasi awgeedna aan la aqbali karin inay sii socoto.

Waxaa uu dhanka kale baaq u diray cid kasta oo haysato hub sharci darro ah oo uu ku boorriyay inay dowladda ku soo wareejiso hubkaasi haddii kale si awood ah looga qaadaya.

Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in halkaasi la gaarsiinaya 800 oo kiish oo bariis ah iyo ilaa 300 oo kiish oo digir ah oo lagu caawinaya dadka ku barakacay daadadka Samburu.
Rigathi Gachagua oo xusay inuu maanta tagi doono Garissa ka hor inta uunan u sii gudbin Tana River ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladda dhexe ay ku dadaalaysa sidii loo dhameystiri lahaa dayactirka waddooyinka go’ay ka dib saameyn ka soo gaartay daadadka.