Waxaa ugu dambeyn iyagoo badqaba la helay shakhsiyaad la waayay oo ay ka mid yihiin xildhibaanka deegaanka Garsen, Cali Wario Guyo iyo dhigiisa Galole, Hiribae Saciid Buya ee ismaamulka Tana River.
Mudanayaasha ayaa ka mid ahaa koox ka kooban 18 qof oo gargaar cunno gaarsiinayay dadka ay saameeyeen daadadka.
Waxay adeegsanayeen doon ay biyaha uga gudbayeen ka hor inta aan la waayin.
Hasa ahaate howlgal qaatay ilaa toban saacadood oo ay iska kaashanayeen waaxyo kala duwan ayaa abaare 3-dii subaxnimo ee maanta lagu soo samata bixiyay dadkan.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Tana River, Xasan Maxamad ayaa aroornimadii hore ee maanta sheegay in dadkan dhammaantood la soo badbaadiyay iyagoo badqaba.
Waxaa uu sheegay in xalay oo dhan ay heegan sare ku jireen .
Guddoomiyaha ayaa xusay in wakiillada deegaannada hoose oo labo ah iyo canug yar ay ka mid yihiin 16-ka qof ee kale ee la soo badbaadiyay.
Waxaa uu u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb qaadatay samata bixinta iyo in xaaladdan si degdeg ah looga falceliyay isagoo si gaar ah u xusay dadaalkii ay howshan gelisay hay’adda laanyarta cas ee dalka.
Xildhibaanka deegaanka Galole , Hirbae Saciid Buya ayaa isna la hadlay warbaahinta wuxuuna sheegay inay soo wajahday xaalad aynan filan.
Dhanka kale ciidamada ilaalada xeebta ee dalka ayaa soo badbaadiyay saraakiil ka tirsan waaxda ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da oo ka howlgalayay xerada Wema ee degmada Tana Delta ee ismaamulka Tana River.
Tani ayaa timid ka dib markii biyaha daadadka ay ka buuxsameen xeradaasi halkaasi oo ay saraakiisha ku xayirmeen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo 142 qof ay gudaha wadanka ugu dhinteen fatahaadaha sida uu sheegay afhayeenka dowladda dhexe, Issac Mwaura.
Sidoo kale waxaa daadadka ku barakacay in ka badan 472,000 oo qof.