Golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM oo shir jaraaid qabtay ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay ka shaqeyso sidii lagu yareyn lahaa qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Guddoomiyaha SUPKEM, Xasan Ole Naado ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan warbixintii uu 25-kii bishii hore soo saaray guddiga wada hadallada qaran .
Waxaa warbixintiisa lagu soo jeediyay in waaxyaha dowladda ee fulinta, garsoorka iyo baarlamaanka ay boqolkiiba 50 dhimaan qarashaadka uga baxo safarrada dibadda.