Kalonzo Musyoka oo dhaliilay qorshaha lagu wareejinaya qaar ka mid ah shirkadaha dowladda

0
234

Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Kalonzo Musyoka ayaa dhaliilay qorshaha ay dowladda dhexe ku doonaysa inay shirkado khaas ah ku wareejiso maamulka qaar ka mid ah shirkadaheeda.
Tani ayuu xusay inaynan u wanaagsanayn mustaqbalka dalka.
Kalonzo ayaa sheegay in qorshahan uu halis gelin karo amniga wadanka.
Waxaa uu tilmaamay in dhammaan rayidka laga doonayo inay arrinkan ka soo horjeestaan isagoo xusay in garabka mucaaradka ee wadanka uu ku dadaali doono sidii tallaabadan loo hor istaagi lahaa.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Gem ee ismaamulka Siaya ayuu Kalonzo Musyoka carrabka ku adkeeyay in shirkado dowladeed oo muhiim ah aan lagu wareejin karin waaxyo gaar ah xita haddii uu wax soo saarkooda hooseeyo.