Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa dadweynaha deggan meelaha u dhow webiyada iyo biyo xireennada ku boorriyay inaynan iska dhaga tirin baaqyada ah inay u guuraan meelaha uu joogoodu sarreeyo.
Waxaa uu xusay in qaar ka mid ah dadka ku dhintay daadadka ay fududeysteen digniino horay loo diray.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii ay buuxsamaan biyo xireennada ku yaalla ismaamulka Tana River ay dowladdu si qasab ah ku daadgureyn doonto qoysaska deggan meelaha u dhow ilaha biyaha si noloshooda loo badbaadiyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladdu ay bixin doonto qarashaadka arrimahan la xiriira.
Dhanka kale senatarka ismaamulka Tana River Danson Mungatana ayaa wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ka codsaday inuu kormeer ku sameeyo waddada u dhexeysa Lamu iyo Garsen oo ka tirsan Tana River oo ay gooyeen biyaha daadadka.