Ugu yaraan 5 shaqaale ah ayaa la xaqiijiay inay dhinteen ka dib markii guri uu dhismo ka socday uu ku dumay xaafadda Juja B ee deegaanka hoose ee Pangani ee magaalada Nairobi.
Dhacdadan ayaa galabta laga soo tabiyay waddada Muratina ee agagaarka xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Taliyaha booliiska ee qaybta Starehe Fred Abuga oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in 5 qof oo kale oo dheeraad ah islamarkaana u badnaa shaqaalaha goobtaasi ka howlgalayay ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.