Meelaha maanta lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ee cudurka AIDS-ka waxaa ka mid ah ismaamulka Garissa iyadoo dhallinyarada baaq loo diray.
Cabdullahi Daauud oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ayaa warbaahinta Star faahfaahin ka siiyay xuska ay qabteen isagoo sheegay in dadka uu cudurka AIDS-ka si wayn u saameynaya ay u badan yihiin dhallinyaro.
Macallin Suleiman Dhaqane oo la nool cudurka HIV-AIDS-ka ayaa warbahinta Star uga warramay xilligii uu xanuunkan ku dhacay isagoo bulshada baaq u diray.
Dhanka ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta, waxaa cudurkan qabo 2,300 qof.
Agaasimaha waaxda caafimaadka ee Lamu, Abubakar Basba ayaa sheegay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in ilaa 400 oo dadkan ka mid ah aynan markii hore ka war qabin inuu cudurkan ku dhacay.