Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay shixnad gargaar ah oo ka timid dowladda...

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay shixnad gargaar ah oo ka timid dowladda Ruushka

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa qeyb ka ahaa munaasabad ay Dowladda Soomaaliya kula waareegtay kaalmo banii’aadnimo oo ka timid Ruushka taasi oo gaareysay 25,000 oo tan.
Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo munaasabadda kajeediyay hadal kooban ayaa dowladda iyo Shacabka Ruushka uga mahadceliyay gargaargan barnii’aadnimo oo kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo xaalad banii’aadnimo oo ka dhalatay fatahaadaha El Niño.
“ Waa kaalmo banii’aadnimo tii ugu weyneyd ee dalkeennu helo dhowaanahan, waxaanna u mahadcelinayaa dowladda iyo Shacabka Ruushka “ ayuu intaasi raaciyay mudane Wasiir Fiqi.
Dhankiisa, safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya Amb. Mikhail Golovanov oo ahaa mas’uulka wareejiyay shixnadda gargaarka ah ayaa sheegay in gargaargan uu qeyb yahay ballanqaadyada Madaxweyne Putin ee Afrika “ Gargaargan waxaa yaboohay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin shirkii madaxeedkii 2-aad ee Ruushka-Afrika, gargaarkan Banii’aadnimo waa mid lagu taageerayo dalalka Afrika”.
Amb. Mikhail Golovanov ayaa sidoo kale intaa raaciyay in qeyb kale oo gaargaar ah, gaareysana ilaa 25,000 oo tan ay dalkiisa kasoo gaari doonto Soomaaliya dhammaadka December.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments