Garoowe: Booliiska Puntland oo ka hadlay 3 carruur ah oo ku dhaawacmay qarax ka dhashay haraadiga hubka

0
192

Booliiska maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay saddex carruur ah, kuwaas oo shalay ku dhaawacmay qarax ka dhashay haraadiga rasaasta ka dhacda qoryaha waaweyn.
Warbixin kooban oo ka soo baxday baaris uu booliisku sameeyay, ayaa lagu sheegay in carruurta falkan ku dhaawacmay ay gargaraaceen xabbadda qoriga loo yaqaano 37 (Teedhi Saban), sidaasna uu qaruxu ku yimid.
Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Saldhiga Galbeed ee ee Magaalada Garoowe.
Booliiska ayaa sheegay in waaxda miina baarista ee gobolka Nugaal ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo la xiriirta dhacdadaasi.
Saddexda carruurta ee ku dhaawacmay falkan ayaa la dhigay isbitaalka guud ee caasimadda Garoowe, waxayna qaarkood qabaan dhaawacyo culus.
Falkan ayaa ku soo aaday, iyadoo magaalada Garoowe uu bishii Lixaad ee June ee sanadkan uu ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxay ahayd meelihii ay ku dagaalameen ciidanka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka.