Haween oggolaaday in lagu sameeyo FGM oo lagu xiray Narok

0
267

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Narok ayaa gacanta ku dhigay 13 haween ah.
Waxaa laga soo qabtay tuulada Sagamian ee Koonfurta Narok ka dib markii sida la sheegay ay oggolaadeen in lagu sameeyo gudniinka fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Koonfurta ismaamulka Narok Felix Kisalu.
Mas’uulkan ayaa sheegay in haweenka la xiray ay da’doodu u dhexeyso 26 ilaa 52 sano.
Waxaa laga soo qabtay guriga haweeney lagu magacaabo Juliana Chepngeno Bore ka dib markii loo guday nooca FGM-ka oo mamnuuc ka ah gudaha dalka.