Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada kala duwan ee (KUCO) ayaa soo saaray digniin ah in xubnaha ka tirsan ay 21 cishe ka dib ku dhaqaaqi doonaan shaqo joojin.
Waxay dalbanayaan in ismaamullada iyo dowladda dhexe ay dardargeliyaan dallacsiinta dhammaan dhakhaatiirtan.
Bayaan ay soo saareen ayay wasaaradda caafimaadka ee dalka ugu baaqeen inay dib u soo celiso wada xaajoodyadii ku saabsanaa mushaaraadka ee (CBA).
Guddoomiyaha iyo xoghayaha guud ee ururka KUCO Peter Wachira iyo George Gibore oo bayaankan si wadajir ah u saxiixay ayaa sheegay in kastoo ay jiraan xeerar cad oo ku aaddan dhallacsiinta saraakiisha caafimaadka haddana in nidaamyadan si ula kac ah la is kaga indha tiro.
Howlwadeennadan ayaa hoosta ka xarriiqay in muddadii loogu tala galay in wada hadalladan lagu soo gabagabeeyo ay ku ekeyd 13-kii bishii Tobnaad ee sanadkan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ay wasaaradda caafimaadka ku amartay in wada xaajoodyada ay dib u billowdaan oo heshiis la gaaro ugu dambeyn 5-ta bisha 12-aad ee sanadkan.