Dowladda oo boqolkiiba boqol bixin doonto qarashaadka lagu daaweeyo kansarka

0
223

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa sheegtay in wixii hadda ka dambeeya dowladda dhexe ay boqolkiiba boqol bixin doonto qarashaadka la xiriira daaweynta cudurka kansarka.
Xilli ay xalay u warramaysay telefishinka maxalliga ee Citizen ayay hoosta ka xarriiqday in sanduuqa caymiska ee caafimaadka bulshada ee (SHIF) oo lagu beddelay NHIF uu qaabilsanaan doono qarashaadka lagu baaro sidoo kalena lagu daaweeyo kansarka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay maxkamadda sare ee dalka Isniintii hakisay dhaqangelinta hannaanka (SHIF).
Nakhumicha ayaa qirtay in caymiska NHIF ee la beddelaya uunan bukaannada ka kaafin baaritaannada iyo daaweynta ku saabsan xanuunnada halista ah sida kansarka taasina ay ka mid tahay sababaha keenay in nidaamkan dib u eegis lagu sameeyo.
Wasiiradda ayaa sheegtay in caymiska caafimaadka bulshada ay sanadkiiba ku bixi doonto lacag dhan 46 bilyan oo shilin.
Waxay intaasi ku dartay in 42 bilyan oo shilin oo lacagtan ka mid ah loogu talagalay wax ka qabashada noocyada kala duwan ee kansarka.