Eedeysane beeniyay inuu dilay afar ka mid ah qoyskiisa

0
593

Lawrence Warunge oo lagu soo oogay dacwad ah inuu deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu ku dilay 5 qof oo afar ka mid ah ay yihiin xubnaha qoyskiisa ayaa iska fogeeyay eedeymihii loo soo jeediyay.
Dilalkan ayaa dhacay 5-tii bishii koowaad ee sanadkan.
Bilooyin ka hor ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in eedeysanaha uu saraakiisha waaxda dambi baarista u sheegay inuu waalidiintiisa ka takhalusay maadaama uunan ka helin daryeelkii uu uga baahnaa.
Maanta ayaa Lawrence Warunge la soo taagay maxkamadda sare ee dalka waxaana dacwadaha uu wajahayo dhageysatay garsoore Mary Kasango.
Booliska ayaa maxkamadda u sheegay in tuhmanaha oo 22 sano jir ah uu aabihii oo lagu magacaabi jiray Nicholas Njoroge oo ay da’diisu ahayd 55 sano uu mindi geliyay ugu yaraan 30 mar.
Maxkamadeyntiisa ayaa timid labo cisho un ka dib markii la xaqiijiyay in uunan dhanka dhimirka ka xanuunsanayn sidaas awgeedna maxkamadda la soo taagi karo.
Eedeysanaha ayaa lagu hayn doonaa xabsiga Industrial Area ilaa 11-ka bisha Shanaad ee sanadkan oo ay maxkamadda mar kale dhageysan doonto dacwadiisa.