Al-Shabaab oo billowday inay bartilmaameedsadaan xarumaha lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee amniga

0
259

Qarax ayaa xalay lagu burburiyay goob ganacsi oo lagu iibiyo qalabka baabuurta, taasoo ku taalla xaafadda Black Sea ee degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir
Qaraxan ayaa lala xiriirinayaa inay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab, ka dib markii ay ku hanjabeen inay tallaabo ka qaadayaan xarumaha ganacsiga ee lagu xiray Kaamirooyinka duuba muuqaallada qarsoon ee Cctv kuwaas oo ka qayb qaato amniga.
Maalmahan oo dhan ayaa xarumaha ku yaalla laamiga Black Sea, waxaa ka taagnaa, in hay’adda NISA ay amartay in kaamirooyin lagu xiro xarumaha ganacsiga, halka kooxda Al-Shabaab ay digniin ka soo saareen.
Taasi ayaa keentay in ay xirmaan xarumo ganacsi oo ay ku adkaatay fulinta amarrada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.
Horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa si cad u sheegay inay bartilmaameed-sanayaan cid kaste oo fulisa awaamiirta dowladda ee ah inay oggolaato in xarunteeda ganacsi lagu xiro kaamerada loogu talo galay amniga.
Kaameradan ayaa loogu talo galay inay duubto waxyaabaha ka socda meelaha lagu xiro, si haddii halkaas ay wax ka dhacaan ay dowladdu u hesho xogo muhiim ah oo wata caddeymo.