Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya JSC oo sheegtay inuu banaanyahay xafiiska madaxa cadaaladda laga bilaabo Isniinta ee...

JSC oo sheegtay inuu banaanyahay xafiiska madaxa cadaaladda laga bilaabo Isniinta ee toddobaadkan

Guddiga adeegga garsoorka ee JSC ayaa lagu wadaa inay bilaabaan howsha qorista guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare iyo madaxa cadaaladda kaddib markii uu howlgab u noqday David Maraga horraantii toddobaadkii hore.
Bayaan u guddigan soo saaray ayaa lagu sheegay in maalinka Isniinta ee toddobaadkan la soo daabici doono ogeysiis ah in xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare u banaanyahay.
Guddiga JSC ayaa intaa ku daray in habka qorista loo fulin doono iyadoo la raacayo dhammaan qodobbada la xiriira dastuurka iyo sharciga.
Guddiga ayaa shacabka u xaqiijiyay in qorista beddelka madixii hore ee cadaaladda David Maraga lagu qaban doono si xirfadaysan, hufan, iyo cadaalad.
Toddobaadkii hore ayey ahayd markii David Maraga uu xilkan si rasmi ah ugu wareejiyo ku xigeenkiisa Philomena Mwilu.
Mrs. Mwilu ayaa si ku meel gaar ah u sii hayn doonto xilka madaxa cadaaladda ee Kenya ilaa iyo inta laga soo magacaabaya mas’uul beddelo.
David Maraga ayaa xilka uu dhawaan baneeyay qabtay sanadkii 2016-kii kaddib markii uu howlgab noqday Willy Mutunga oo kaga horreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments