Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay inaynan ku guulaysan yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda .
Waxaa uu sheegay in canshuur dheeraad oo la soo saaray ay culeys ku noqotay kenyaanka.
Raila Odinga ayaa sidoo kale ka hadlay deymaha shisheeye ee ay dowladdu qaadato.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Nyamira oo uu ka daahfuray diiwaangelinta xubnaha cusub ee xisbiga ODM.