Darasaad lagu ogaaday in nidaamka dowlad wadaajinta uu wanaajiyay bixinta adeegyada shacabka

0
163

Ra’yi uruurin uu sameeyay mid ka mid ah ururrada rayidka ee dalka ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 75 ee kenyaanka ay aaminsan yihiin in nidaamka dowlad wadaajinta uu xoojiyay bixinta adeegyada dadweynaha sida caafimaadka, biyaha , waxbarashada iyo kaabayaasha.
Waxaa arrinkan ka soo horjeestay boqolkiiba 14 ee dadkii la wareystay.
Shirkadda Twaweza East Africa ayaa warbixinteeda ku sheegtay in boqolkiiba 58 ee dadka la wareystay ay sheegeen in ismaamullada laga dareemaya horumar dhaqaale.
Waxaa dareenkan inta badan muujiyay dadka ra’yi uruurinta ka qayb qaatay ee ku nool degmooyinka.
Sida ay shirkadda sheegtay, shacabka si wayn u taageersan maamulka la daadajiyay sanadkii 2013-kii waxay badankoodu ka soo jeedaan ismaamullada Makueni,Tana River, Marsabit, Turkana iyo Elgeyo Marakwet .
Dadkan ayaa tusaale u soo qaatay in la wanaajiyay daryeelka caafimaad, waddooyinka iyo in maamulka dowladeed loo dhaweeyay dadweynaha.
Sidoo kale boqolkiiba 50 ee dadka su’aallaha la waydiiyay ayaa sheegay in laga qayb geliyo arrimaha maamul wanaagga iyo go’aamada heer ismaamul ah iyo in hadda ay jiraan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.
Warbixinta ra’yi uruurinta waxaa ku cad in boqolkiiba 53 ee shacabka ay qabaan in dowlad wadaajintu ay horseedday in ismaamullada si siman loogu qaybiyo kheyraadka qaran.