Dowladda oo sheegtay in meesha laga saaraya caqabadaha la xiriira hal-abuurka

0
166

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay cirib tirka caqabadaha ku hor gudban hal-abuurka.
Waxaa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii loo dardargelin lahaa ganacsiga la xiriira cilmi baarista iyo wax curinta.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in maalgelinta dhanka hal-abuurka ay ballaarin doonto fursadaha u furan dhallinyarada.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay doonaysa inay dhallinyarada u fududeyso sidii ay ku heli lahaayeen dhaqaale iyo tababarro xoojin karo hal-abuurkooda.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in da’yarta ay helaan kaabayaal tayo leh.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu magaalada Nairobi ka furay toddobaadka hal-abuurka ee sanadkan.