Waxaa isagoo badqaba la helay Cismaan Khaliif oo ah gacan yaraha gaarka ah ee barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja.
Cismaan ayaa la raadinayay muddo 17 cishe ah.
Qoyska cismaan ayaa garsoore Chacha Mwita u sheegay in shakhsigan la helay isagoo nool ka dibna la geeyay isbitaalka si baaritaan caafimaad loogu sameeyo.
Waxay intaasi ku dareen in hadda uu ku sugan yahay guriga.
Qoyska ayaa codsaday in la sii wado baaritaannada lagu xaqiijinaya cidii ka dambeysay afduubkii loo gaystay Cismaan Khaliif oo horay u soo noqday wakiilkii deegaanka hoose ee South C.
Xafiiska taliyaha guud ee booliiska iyo waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa dhankooda doonaya in dacwaddan la soo afjaro.