Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo eedeyn u jeediyay madaxweynihii hore ee dalka

0
223

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa madaxweynihii hore ee wadanka Uhuru Kenyatta ku eedeyay inuu madaxda ku kala qaybinaya natiijada ka soo baxday wada hadalladii heerka qaran ahaa ee lagu soo gabagabeeyay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo Eugene Wamalwa oo xubin ka ah guddiga qaran ee wada hadallada ee (NADCO) uu ku gacan seyray warbixintii ay soo saareen 25-kii bishan.
Wamalwa iyo Martha Karua oo ka mid ah madaxda sare ee garabka mucaaradka ee Azimio La –Umoja One Kenya ayaa sheegay in aan xal loo helin sicir bararka nololeed ee jira.
Hasa ahaate Kimani Ichung’wah ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada waxaa uu madaxweynihii afaraad ee dalka ku eedeyay inuu carqaladeynaya dadaallada dowladda .
In kastoo uunan soo bandhigin caddeymo wax ku ool oo dhaliishan ku aaddan haddana waxaa uu Uhuru Kenyatta ku boorriyay inuunan faragelin howlaha dowladda talada haysa.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu sheegay in madaxda sare ee dowladda dhexe iyo siyaasiyiinta xulafada la ah ay isaga eedeeyaan marka ay ku fashilmaan wax u qabadka kenyaanka.