Xafiiska warfaafinta ee Qaza ee dowladda Falastiin ayaa sheegay in tan iyo 7-dii bishii hore ee Oktoobar ay Israa’iil gudaha Qaza ku riday bambooyin ah 40,000 taan.
Saddex meelood hal meel tirada dadka ku nool Qaza ayaan helin adeegyada aasaasiga ee ay u baahan yihiin.
Waxaa uu xafiisku sheegay in burburka ay Israa’iil ka gaysatay Qaza uu muujinaya sida ay uga go’an tahay in halkaasi ay noqoto meel aan lagu noolaan karin.
Sidoo kale tirada carruurta ee lagu dilay Qaza ayaa ka badan midda ubadka ee sanadkii hore ku nafwaayay dagaallada ka taagan caalamka.