Madaxweyne Xasan Sh “Ma jiro wax wada hadal ah, waxaan qaadaynaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

0
386

Madaxweynaha dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa meesha ka saaray in wax wada hadal ah uu dhexmari doono dowladda iyo Al-Shabaab.
Waxaa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Al-Shabaab lagu cirib tiro dagaal, halkii wada hadal lala gali lahaa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay guulo waaweyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab ayna ka xorreeyeen dhul badan oo ay dowladda haatan ka sameysay dib u xasilin qaran.
“Si aan u istaagno sida xasilloon, waxaan leenahay laba door oo muhiim ah si aan u soo jiidano ficillada caalamiga ah, waxaan u baahanahay inaan dalka ka xorreyno Al-Shabaab, saaxiibbada caalamku waxay ku siin karaan agabka sida cuntada, hubka iyo shidaalka laakiin nama siin doonaan ciidamada safka hore,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in markii dowladdu billowday in ay iskeed ula dagaalanto Al-Shabaab, in ay xorraysay in ka badan 80 goobood.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay xayirtay oo ay jartay isku xirka Al-Shabaab iyo dhaqdhaqaaqyadii dhaqaalaha ee kooxdaasi.