Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin oo sheegtay in 6 qof lagu dilay Daanta Galbeed

0
216

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in duqeymaha ay weli Israa’iil ka gaysanaysa Daanta Galbeed lagu dilay 6 qof.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xalay la siidaayay 39 qof oo Falastiiniyiin ah oo maxaabiis ahaa.
Dadkan ayaa dhammaantood ahaa haween iyo dhallinyaro.
Sidoo kale waxaa Israa’iil gaaray 13 qof oo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin 8 carruur oo gacanta ugu jiray Xamaas kuwaasoo la siidaayay.
Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Thailand ayaa sheegtay in afar qof oo muwaadiniinteeda ka mid ah oo la siidaayay ay xaaladoodu wanaagsan tahay.
Waxay intaasi ku dartay in 18 qof oo dheeraad ah oo wadankaasi u dhashay ay weli ku jiraan gacanta Xamaas .