Dowladda ismaamulka Nairobi oo kordhisay miisaaniyadda horumarinta deegaannada hoose

0
226

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa kordhisay miisaaniyadda dhaqaale ee ay u qoondeyso in lagu horumariyo deegaannada hoose ee 17-ka deegaan baarlamaneed ee caasimadda dalka.
Lacagtan oo horay ahayd 1.4 bilyan oo shilin ayaa laga dhigay 2 bilyan oo shilin.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday mas’uulka Nairobi u qaabilsan howlaha guud Brian Mulama.
Waxaa uu sheegay in mid waliba oo ka mid ah deegaannada hoose ee ismaamulka Nairobi la siinaya 23 milyan halkii horay loo qoondeyn jiray 17 milyan oo shilin.