Israa’iil oo sheegtay in laga soo weeraray dhanka Lubnaan

0
247

Israa’iil ayaa laga soo xigtay in weerarkii ugu cuslaa uu uga yimid dhanka Lebanon tan iyo markii ay billaabeen duullaanka militari ee Qaza.
Idaacadda militariga Israa’iil ee Israel Army Radio, ayaa ku warrantay in ilaa 50 gantaal lagu soo tuuray magaalada Upper Galilee ee dhanka Waqooyi.
Waxaa gantaallada lala eegtay guriyo ku yaalla aagga Manara in kastoo aan waxyeello dadka gaartay la soo tabin.
Kooxda Xisbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay labo meel oo ay isugu yimaadeen ciidamada Israa’iil aagagga Dhayra iyo Jal al-Alam.
Waxay intaasi ku dartay in ay sidoo kale bartilmaameedsatay saldhigga militariga Israa’iil ee Ein Zeitim eek u yaalla magaalada Safed .