6 ka mid ah xarumaha lagu sameynaya imtixaanka KCSE-da oo wax isdabamarin laga soo tabiyay

0
592

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in 6 xarumood oo ku kala yaalla ismaamullada Homa Bay, Kisumu, Kisii iyo Garissa laga soo tabiyay wax isdaba marin dhanka imtixaannada ah.
Wasiirka tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in laga falceliyay iskudayo dhowr ah oo la sameeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in gacanta lagu dhigay 11 sarkaal oo ah kuwa loo xilsaaray maareynta imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee (KCSE) oo loo haysto in ay qorshayaashan qayb ka ahayeen.
Magoha ayaa shacabka u xaqiijiyay in ilaa iyo hadda aan la helin ama la dusin warqadaha rasmiga ee imtixaannada qaran.