Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka (IGAD), Dr .Workneh Gebeyehu ayaa bogaadiyay wada hadallada u dhexeya dowladda Itoobiya iyo ciidamada xoreynta gobolka Oromia.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay door muhiim ah ku leeyihiin wada hadallada iyo gorgortanka la doonayo in lagu xalliyo tabashooyin ay labada dhinac kala tirsanayaan.
Arrinta ugu muhiimsan ayuu ku sheegay in nabad waarta lagu soo dabbaalo gobolka.
Bayaan ka soo baxay IGAD oo lala soo wadaagay warbaahinta Star ayaa muujinaya in urur goboleedkan uu si wayn uga qayb qaadanaya heshiisiinta dowladda Itoobiya iyo xoogagga (OLA).
Dr. Workneh ayaa sheegay in wada hadallada ay u socdaan si nabad ah oo uu rajeynaya in xal waara uu ka soo baxo.