Guddiga qaran ee arrimaha xuquuqul insaanka ee KNCHR ayaa lagu wadaa inuu maanta warbixin soo bandhigo.
Guddoomiyaha guddigan Roseline Odede ayaa faahfaahin doonto heerka laga maraya ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.
Waxay warbixintooda diiradda ku saari doonaan waxqabadka dowladda marka laga eego dhanka tixgelinta xuquuqul insaanka iyo tallaabooyinka ay doonayaan in la dhaqan geliyo.
Sidoo kale waxay eegi doonaan daryeelka caafimaad, xuquuqda dhaqaale iyo kuwa bulsho , xuriyadda lagu cabbiri karo dareenka , helidda adeegyada aasaasiga u ah nolosha , afduubyada iyo dilalka sharci darrada ah.
Dhawaan ayay ahayd guddigan uu walaac ka muujiyay afduubyo loo gaystay dadka u dooda xuquuqul aadanaha.