Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dowladaha caalamka ugu baaqay inay qaadaan tallaabooyin istaraatiiji ah oo laga dheehan karo geesinnimo si loola tacaalo saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la joogo xilligii la yareyn lahaa heerka kuleylka caalamka si uunan uga badan 1.5 degrees Celsius.
William Ruto ayaa dalalka Yurub iyo Afrika ku boorriyay inay ka wada shaqeeyaan sidii hoos loogu dhigi lahaa waxyaabaha hawada wasaqeeya.
Arrintan ayuu ka sheegay magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska xilli uu khudbad u jeedinayay baarlamaanka Midowga Yurub.
Sidoo kale waxaa uu hoggaamiyaha dalka ku taliyay in dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka iskaashiga ee caalamka.
Waxaa uu sheegay in nidaamyadan oo la dejiyay qarnigii 20-aad aynan faa’iido u lahayn dalalka dhaqaale ahaan soo koraya maadaama ay weli ku tiirsan yihiin kuwo hodonka ah.
William Ruto ayaa xusay in lacagaha badan ee dulsaarka ah iyo deymaha ay adkeeyeen in waddamadan ay wax ka qabtaan caqabadaha bulsho iyo kuwa dhaqaale ee ay wajahayaan.