Dowladda oo sheegtay in dhulka Njiru uu leeyahay qoyska Kirima

0
253

Wasiiradda wasaaradda arrimaha dhulalka ee dalka Alice Wahome ayaa sheegtay in dowladda dhexe aynan marnaba faragelin doonin muranka dhuleed ee ka taagan deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Waxay sheegtay in diiwaanka saxda ah ee wasaaradda dhulalka uu muujinaya in dhulkaasi ay leeyihiin qoyska maalqabeenkii geeriyooday Gerishon Kamau Kirima.
Waxay hoosta ka xarriiqday in qoysaska dhulalkaasi deggan ee ay maxkamaddu u qabatay inay ka guuraan ugu dambeyn 31-da bisha Diseembar ee sanadkan inay u hoggaansamaan amarka maxkamadda.
Alice Wahome ayaa qoysaska ku boorrisay inaynan sugin in muddada la siiyay ay dhammaato si aynan saameyn u soo gaarin.
Sidoo kale waxay qoysaskaasi kula talisay inay la heshiiyaan qoyska Kirima.
Wasiirrada ayaa intaasi ku dartay in wasaaradeeda ay la macaamili doonto waaxda garsoorka , qoyska sida ay sheegtay dhulalkaasi leh iyo laamaha ammaanka ee fuliya amarrada maxkamadda.
Qoysaskan ayaa horay baaq ugu diray dowladda waxayna ka codsadeen inay ka caawiso in aan laga burburin guriyo ay dhulalkaasi ka dhisteen maadaama ay sheegeen in horay looga iibiyay.