Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha Marsabit oo sheegay in aynan haysan lacago ay ceelal ku qodaan

Guddoomiyaha Marsabit oo sheegay in aynan haysan lacago ay ceelal ku qodaan

Barasaabka ismaamulka Marsabit Maxamuud Maxamad Cali oo wareysi siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay inay ogyihiin in loo baahan yahay in la qodo ceel biyoodyo balse aynan haysan qarashaad ay mashruucan ku hirgeliyaan.
Marsabit ayaa ka mid ah ismaamullada ay saameynta wayn ka soo gaartay daadadka ka dhashay roobabka culus ee El Nino ee wadanka ka da’aya.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ceelal waawayn oo la qodo ay faa’iido u leedahay dowlad deegaankaasi si loo kaydsado biyaha roobabka.
Caqabadda ay wajahayaan ee arrinkan ku aaddan ayuu ku sheegay dhaqaale la’aan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xeer uu madaxweynaha dalka William Ruto saxiixay bishii 6-aad ee sanadkan uu oggolaanaya in sanduuqa deegaannada la iskula simo dhanka horumarka ee Equalisation Fund laga soo saaro lacag dhan 13.8 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa sanad maaliyadeedkan lagu qarash gelinaya mashaariicda horumarineed ee 34 deegaan baarlamaneed oo dhanka horumarka ku dambeeya.
Deegaannadan ayaa hoos tago ismaamullada Marsabit, Turkana, Mandera, Wajeer, Samburu, West Pokot, Isiolo iyo Lamu.
Tirada ismaamullada ee ay saameynta ka soo gaartay fatahaadaha ayaa hadda ah 33. Hay’adda Laanqayrta cas ee Kenya Red Cross ayaa dhankeeda sheegtay in 61 qof ay ku dhinteen daadadka, waxaa dhaawacmay 235 halka 8 qof la la’yahay.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in tan iyo markii bishii hore ay billowdeen roobabka in ay saameyn soo gaartay qoysas dhan 80,518 oo ku dhawaad kala bar tiradan ay barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments