Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Raila Odinga oo dalbaday in wasiirka tamarta uu is casilo

DHAGEYSO:Raila Odinga oo dalbaday in wasiirka tamarta uu is casilo

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ayaa doonaya inay xafiisyada baneeyaan wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Davis Chirchir iyo dhigiisa maaliyadda Prof. Njuguna Ndung’u.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in labadan mas’uul ay gaysteen falal dambiyeedyo , inay awoodooda xafiiseed si khaldan u adeegsadeen oo ay ku xadgudbeen dastuurka dalka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay inay jirto caddeyn muujinaysa in bishii Lixaad ee sanadkan ay wasaaradda maaliyadda soo saartay 17 bilyan oo shilin si dhaqaalahan loogu kabo ganacsiyada gaarka ah.
Mr. Odinga ayaa xusay in labada wasaaradood ee tamarta iyo maaliyadda ay adeegsadeen miisaaniyad ka badan intii uu baarlamaanka u qoondeeyay .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in labada wasiir ee wasaaradahan hoggaamiyo ay is casilaan ka dibna dacwad maxkamadeed lagu soo oogo.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan la soo tabiyay in haweeney ganacsata ah oo lagu magacaabo Ann Njeri ay wadanka soo gelisay shidaal qiimihiisa lacageed uu yahay in ka badan 17 bilyan oo shilin.
Arrintan ayaa gudaha wadanka ka abuurtay hadal hayn badan.
Madaxa mucaaradka ayaa intaasi ku daray inuu senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ku waafaqay eedeyn uu dowladda dhexe u jeediyay oo ahayd inay maalgelisay Ann Njeri si ay dalka dibadiisa shidaal uga soo iibsato.

Raila Odinga ayaa dhanka kale ka jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynaha dalka William Ruto oo ahaa in heshiisyada shidaalka ee ay dowladda dhexe la gashay shirkado ku yaalla dalalka carbeed ay yihiin kuwo uunan mugdi ku jirin oo uu xita baarlamaanka wadanka ka war qabo.
Waxaa uu su’aal geliyay arrintii uu madaxweynaha sheegay ee ahayd in qiimaha shidaalka uu hoos u dhici doono bisha 12-aad ee sanadkan.
Raila Odinga ayaa doonaya in dowladda ay caddeyso sababta ku qasbaysa in la sugo ilaa bisha dambe oo aan hadda loo yareyn karin qiimaha shidaalka.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments