Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Baarlamaanka oo wasiirka beeraha ka dalbaday inuu shaaciyo shirkadaha canshuurta laga cafiyay

Baarlamaanka oo wasiirka beeraha ka dalbaday inuu shaaciyo shirkadaha canshuurta laga cafiyay

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha beeraha ayaa wasiirka wasaaradda beeraha Mithika Linturi ka dalbaday inuu soo gudbiyo liiska dhameystiran ee shirkadaha laga cafiyay canshuurta la xiriirta badeecooyinka sida sokorta, bariiska iyo galleyda ee laga soo dajiyo dalka dibadiisa.
Xubnaha guddigan oo uu hoggaaminaya xildhibaanka deegaanka bariga Tigania ,John Mutunga ayaa su’aal geliyay geeddisocodkii shirkadahan lagu soo xushay.
Waxay sheegeen in howshan aan loo marin qaab ay daahfurnaan ku dheehan tahay.
Xildhibaannada ayaa doonaya in la soo bandhigo warbixin faahfaahsan oo ku aaddan liiska shirkadaha dhawaan dalka dibadiisa cuntooyinka ka keenay.
Wasiirka beeraha ee Kenya Mithika Linturi ayaa dhankiisa sheegay in intii u dhexeysay bilihii Koowaad ilaa Sagalaad ee sanadkan dalka la keenay 163,827 taan oo sokor ah oo laga soo iibiyay waddamo aan ka tirsanayn dalladda COMESA.
Galleyda mudadaasi gudaheeda la keenay Kenya ayuu ku sheegay 156,957 taan wuxuuna qiimaheeda lacageed yahay 6.6 bilyan oo shilin.
Wasiir Linturi ayaa guddiga arrimaha beeraha ee baarlamaanka u sheegay in sidoo kale dibadda laga soo dejiyay 707,107 taan oo bariis ah una dhiganta 37.6 bilyan oo shilin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments