Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka WHO oo isbitaalka Al-Shifa ee Qaza ku tilmaantay ‘aag dhimasho’

WHO oo isbitaalka Al-Shifa ee Qaza ku tilmaantay ‘aag dhimasho’

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in isbitaalka ugu wayn ee Qaza ee Al –Shifa uu noqday aag geeri ama meel lagu dhinto.
WHO ayaa sheegtay inuu jiro qorsho isbitalkaasi meel kale loogu wareejinaya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo militariga Israa’iil uu sheegaya inuu sare u sii qaadi doono howlgallada ka dhanka ah ururka Xamaas.
Israa’iil ayaa horay u sheegtay in Xamaas ay xarunta caafimaad ee Al-Shifa ka dhigato gabbaad balse waxaa taasi beeniyay Xamaas iyo wasaaradda caafimaadka ee Qaza.
Dhanka kale koox ka tirsan qaramada midoobay ayaa sheegay in isbitaalka Al-Shifa ay hadda ku jiraan 291 bukaan oo 32 ka mid ah ay carruur yihiin.
Tani ayaa timid ka dib markii bukaannada kale halkaasi laga daadgureeyay.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 12,300 qof oo Falastiiniyiin ah.
Xafiiska warbaahinta ee Qaza ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 5,000 oo dadkan ka mid ah ay carruur yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments