EACC oo xirtay labo nin oo iska dhigayay saraakiisha socdaalka oo lacago baad ah ka qaatay dadweynaha

0
225

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa gacanta ku dhigay labo eedeysane oo iska dhigayay saraakiisha waaxda socdaalka ee xarunta Nyayo House ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu guddiga sheegay in labadan shakhsi ay lacago baad ah ka qaadaan dadka doonaya adeegyada socdaalka sida baasaboorrada iyo warqadaha shaqada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanayaasha ay isku dayeen in muwaadin u dhashay dalka Norway ay ka khiyaamaan 370,000 shilin oo ay ka dalbadeen.
EACC ayaa laga soo xigtay in labada nin la xiray ka dib markii muwadinka u dhashay wadanka Norway halkii uu bixin lahaa laaluush, uu doortay in arrinkan uu ku wargeliyo guddigan.
Eedeysanayaasha ayaa lagu wadaa in toddobaadkan ka soo hormuuqdaan maxkamadda la dagaalanka musuqmaasuqa.
Guddiga EACC ayaa dhanka kale wada baaritaano ku aadan eedeymaha la xiriira in qaar ka mid ah saraakiisha socdaalka ee xarunta Nyayo House ay la shaqeynayaan dalaaliin si ay u soo saaraan dokumeentiyo.
Waxaa kale oo jira shakhsiyaad si been abuur ah u bixiya dokumentiyada socdaalka iyaga oo laaluush qaato.
EACC ayaa carrabka ku dhufatay in shakhsiyaadka lagu helo dambiyada noocaan loola dhaqmi doona si waafaqsan sharciga.