Maxkamadda Runyenjes ee ismaamulka Embu oo la xiray muddo toddobaad ah

0
482

Qoraal ka soo baxay waaxda cadaaladda dalka ayaa lagu caddeeyay in muddo todobaad ah la xirayo maxkamadda deegaanka Runyenjes ee ismaamulka Embu.
Go’aankan ayaa yimid kadib marki 8 ka mid ah shaqaalaha ka howlgalo maxkamaddaasi laga helay cudurka COVID-19.
Saraakiil ka socoto wasaaradda caafimaadka dalka oo booqday maxkamadda ayaa soo jeediyay in si ku meel gaar ah loo xiro xaruntaas iyada oo la raacayo talooyinka wasaaradda ee lagula tacaalayo xanuun sidaha corona.
Shaqaalaha maxkamaddaan ayaa sidoo kale la faray in si iskooda ah ay isu karantilaan muddada ay xiran tahay maxkamaddu iyada oo dhanka kalena la marsiin doono baaritaano dheraad ah halka dhismaha maxkamadda lagu buufin doono daawooyinka jeermiska dilo.
Qoraalkan ka soo baxay xafiiska si hayaha madaxa cadaaladda dalka Philomena Mwilu, ayaa lagu caddeeyay in go’aankan la qaatay markii lagala tashaday sarakiisha maxkamadda ismaamulka Embu lana tix galiyay talooyinka wasaaradda caafimadka ismaamulkaasi.
Philomena Mwilu ayaa intaasi sii raacisay in inta ay xiran tahay makamaddani baahiyaha lagama maarmaanka ah ee dhanka garsoorka ah ay qaadi donaan maxkamadaha Embu iyo Kerugoya ee isla ismaamulkaasi.