Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay qorshaha 1,000 ka mid ah saraakiisha booliiska ee dalka lagu geynaya wadanka Haiti.
Waxaa hadda la sugaya in aqalka sare ee dalka uu qorshahan meel mariyo ka hor inta aan la dhaqan gelin.
Caqabadda kale ee dowladda hor taalla ayaa ah in maxkamadda aynan weli go’aan ka soo saarin dacwadii uu gudbiyay xisbiga Thirdway Alliance.
Maxkamadda ayaa horay muddo dheeraad ah ku kordhisay amar dowladda Kenya looga hor istaagay inay qaar ka mid ah ciidamadeeda booliiska gayso dalka Haiti ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dhageysiga iyo go’aan ka soo saaridda dacwad dhanka ah qorshahan.
Guddiga iskudhafka ah ee arrimaha amniga iyo maamulka qaran ee baarlamaanka iyo senate-ka ayaa dowladda dhexe ku taageeray qorshaheeda.
Waxaa arrinkan ka soo horjeestay xildhibaanka deegaanka Homabay Town Peter Kaluma oo ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Kaluma ayaa sheegay in booliiska ay shaqadoodu tahay inay sugaan amniga gudaha dalka oo aan waddan kale laga howlgelin karin.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegga qaran ee booliiska ee NPS uu yahay mid madax bannaan oo qaar ka mid ah ciidamadiisa uunan dal kale geyn karin golaha qaran ee amniga ee (NSAC).