Dowladda oo sheegtay in sanadkii hore ay xoolo dhan 2.5 milyan ku dhinteen abaarta

0
210

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in ujeeddada ugu muhiimsan ee laga leeyahay geedaha la abuuraya ay tahay in la yareeyo saameynta ka dhalata isbeddelka ku yimaada cimillada oo ay abaartu ka midka tahay.
Afhayeenka dowladda dhexe, Issac Mwaura ayaa sheegay in qaaradda Afrika uu boqolkiiba 15 ee dhaqaalaheeda guud ku lumo cimillada is beddesha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sanadkii hore , 2.5 milyan oo xoolo ah ay abaar ugu leedeen gudaha dalka.
Tani ayuu sheegay inay u dhiganta khasaare dhaqaale oo ah in ka badan 230 bilyan oo shilin.
Waxaa uu tilmaamay in abaarta , daadadka , isku dhacyada duurjoogta iyo dadweynaha iyo wax soo saarka beeraha oo hoos u dhaco ay yihiin waxyaabaha ka dhasho isbeddelka cimillada ee saameeya dhaqaalaha wadanka.
Issac Mwaura ayaa cadeeyay in qorshaha dowladda uu yahay in 10 sano gudahooda la abuuro 15 bilyan oo geedo ah.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in dowladdu ay sameynaysa wax kasta oo ay awooddo si loo yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.