Dowladda oo amar ku bixisay in lala tacaalo daawooyinka kontarabaanka ah

0
205

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa guddiga qaabilsan maareynta farmashiyada iyo ka hor tagga isticmaalka waxyaabaha sunta ah ee (PPB) ku amray inuu si wayn ula dagaallamo in dadweynaha laga iibiyo daawooyin kontarabaan ah.
Waxaa uu sheegay in daawooyinkan ay khatar ku yihiin caafimaadka kenyaanka.
Gachagua ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in tallaabo sharciyeed laga qaado xarumaha sida sharci darrada ah loogu iibiyo daawooyinka.
Waxaa uu dhanka kale maalgashatada shisheeye ku boorriyay inay ganacsiyada wax soo saarka ka hirgeliyaan gudaha dalka.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay meesha ka saartay geeddisocod adkaa oo la xiriiray bixinta shatiyada ganacsiga.
Mr .Gachagua ayaa xusay in kastoo siyaasadda maamulka madaxweyne William Ruto ay ku saleysan tahay in aan la bartilmaameedsan ganacsatada haddana in aan la oggolaan doonin in farmashiyada ku yaalla gudaha wadanka ay dadweynaha ka iibiyaan daawooyin aan la ansixin.