DHAGEYSO:Shacabka Tana River oo loogu baaqay inay ka wareegaan meelaha daadadka u nugul

0
242

Wasiiradda wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Florence Bore ayaa dadweynaha ku nool ismaamulka Tana River ku boorrisay inay ka guuraan meelaha ay deggan yihiin ee u nugul saameynta fatahaadaha.
Waxay arrin laga qoomameeyo ku tilmaantay in daadadka halkaasi ku dhuftay ay saameyeen kumanaan carruur ah oo u baahan gargaar degdeg ah maadaama ay qoysaskooda barakaceen.
Saameynta ugu daran ee daadadka Tana River ayaa laga dareemaya degmada Madogo iyadoo dadka barakacay ay hooy ka dhigteen aagga Bakuyu .
Wasiiradda ayaa sheegtay in gargaar isugu jiro raashiin iyo agabka lagu isticmaalo guriyaha la gaarsiin doono ugu yaraan 6,000 oo qoys oo ku sugan Garsen, Hola/Galole iyo Bura ilaa Madogo oo ka tirsan ismaamulkaasi.
Dhanka kale mid ka mid ah shacabka ku nool ismaamulka Tana River ayaa warbaahinta la wadaagay dareenkiisa ku aaddan saameynta ka soo gaartay fatahaadaha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka qaar ay diideen inay ka guuraan meelaha ay deggan yihiin iyagoo ku andacoonaya inaynan haysan meelo kale oo ay ku wareegi karaan.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ayaa sheegtay in gudaha Tana River ay fatahaadaha ugu dhinteen 2 qof halka ilaa 4,000 ay barakaceen iyadoo laga cabsi qabo in tiradan ay sii kororto.
Xasan Muusa, isku duwaha hay’adda laanqayrta cas ee dalka ee gobolka Xeebta ayaa ka warbixiyay xaaladaha adag ee halkaasi ka jira.