Senatar hore oo ku geeriyootay Kisumu

0
260

Waxaa isbitaal ku yaalla ismaamulka Kisumu ku geeriyootay Godliver Omondi oo horay aqalka sare ee dalka uga mid ahayd si magacaabid ah.
Omondi ayaa inta aynan geeriyoon ahayd xubin ka tirsan golaha hoose ee ismaamulka Kakamega.
Barasaab ku xigeenka ismaamulkaasi Ayub Savula ayaa xaqiijiyay geerida Godliver Omondi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay ku geeriyootay isbitaalka Aga Khan oo qaybtiisa xaaladaha degdegga ee ICU-da la geeyay maalinkii Sabtida maadaama ay la xanuunsanayd dhiig kar iyo sokorow.
Godliver Omondi oo uu magacaabay xisbiga ODM ayaa intii u dhexeysay 2013-kii iyo 2017-kii aqalka sare ku matalaysay dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Ayub Savula ayaa sheegay in Kakamega ay ka baxday haweeney dadkeeda u adeegaysay.